qaybtan waxaanu kaga hadli doona arimo badan oo ay ka mid yihiin qanuunka iyo wixiila xidhiidha sharciga
Monday, March 14, 2022
Sunday, March 13, 2022
Xeer ku saabsan bacda miikada ee wasiirka february 2005
XEER WASIIR KU SAABSAN BACDA
MIIKADA: FEBRUARY 2005
MINISTERIAL DECREE RELATING TO
PLASTIC BAGS: FEBRUARY 2005
This
Ministerial Decree bans the importation, manufacture and sale of
polyethyiene plastic bags in Somaliland within 120 days of the passing of
the Decree. It is not cler which primary legislation this issuing of this
Decree relies on as Parliament has not passed any law on this issue, but the
Decree Recital mentions Articles 17 and 18 of the Constitution and adds that it
is implementing a decision made by the Council of Ministers on 3rd
February 2005.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha
Markuu
arkay:
Dastuurka JSL, qodobadiisa kala ah 17-aad iyo 18-aad.
Isagoo
fulinaya:
Dhaqan-galka iyo Meel-marinta go’aankii Golaha Xukuumada JSl, Lr. Sh/278 ee
03/02/2005, laguna go’aamiyey mamnuucidda Bacda.
Isagoo ka
duulaya: Natiijooyinka Daraasada
Cilmi-baadhiseed ee la xidhiidha dhibaatada ay Bacdu u geysato kuna hayso
Noolaha dad iyo duunyo, gaar ahaanna dhirta, daaqa, xoolaha, degaanka iyo
caafimaadka guud.
Wuxuu
soo saaray Xeerkan:
Qodobka 1aad
1. Waxaa la
mam-nuucay Bacda Miikada ah soo dejinteeda, ka ganacsigeeda iyo tacab soo
saarkeeda dhinaca Wershadaynta dalka JSL gudihiisa.
2. Bacda la
joojiyey lana mam-nuucay keenistooda waa Bacda ka samaysan “Polyethyiene” ee
loo isticmaalo kiish (Plastic Bags) ee qarada yar, loona yaqaano Miiko ee loo
adeegsado qaad qaadashada, cuntooyinka iy sharaabka siiba Caanaha iwm.
Qodobka
2aad
Bacda
Miikada ah waxay ka mid tahay Badeecadaha soo gelintaankoodu, ka ganacsigoodu,
wershadayntooda iyo isticmaalkoodu ka xaaraantimaysan yihiin gudaha dalka JSL.
Qodobka
3aad
Muddo
(120) Maal-mood ka bacdi laga bilaabo Taariikhda soo saarista xeerkan, markuu
wasiirku saxeexo ee ku xusan qodobka soo socda, waxa xeerkani xaaraantimeeyey
inay Bacda nooceedu yahay Miikada inay ka soo degto kana soo gasho dekedaha,
garoomada, furdadaha iyo rugaha ganacsiga ee ku yaala xuduudaha JSL.
Qodobka
4aad
Xeerkani
wuxuu dhaqan-gal yahay laga bilaabo Taariikhda soo saarista oo ah marka
wasiirku saxeexo.
Nuux Cumar Sh. Muuse
Wasiirka ganacsiga warshadaha
28 February 2005
Wajiibaadka Loo Dhisaha
Qdodobka 594aad
marka uu dhisahu dhameeyo howshiiuuna u diyaariyo loo dhisaha ,kani waa in uu markaa ay suurragl tahay la wareegaa sida ay macaamilaadka tahay . haddii xataa markaa si hsraci ah laga codsado in uu la wareego , Howsha laqabatay uusan ogolaan isaga oo aan keenin sabab waafi ah , hawshaa la qabtay waxaa loo qaadanayaa in lala wareegay
Qodobka 595
hadii heshiis ama dhaqan ka soo horjeedo uusan jirin ,qiimha howsha la qabtay waxaa la bixinayaa wakhtiga wareejinta
Qodobka 596
Haddii qiimaha aan mar hore la goyn , waa in lagu qiimeeyaa ayadoo loo eegayo qiimaha howsha iyo kharashka uu galey dhisaha
Qodobka 597
1. Wuxuu xaq u leeyahay abaalgud u qaybsan diyaarinta nashqada iyo qiimeynta kharashka iyo abaalgud kale oo ah agaasinka shaqada
2. Haddii abaalgudyadaasi aan lagu goynin heshiiska ,waxaa la qiimeynayaa iyadoo loo eegayo dhaqanka
3. Hese yeeshe , haddii aan shaqada loo fulinin si waafaqsan nashqada uu jeexay abaalgudka waa in lagu qiimeeyaa iyadoo loo eegayo wakhtiga ay qaadatay diyaarinta nashqada iyadoo la tic gelinayo dabiicada shaqada
afsomali chaoter four ,,,
CHAPTER FOUR Data Discussions and Analysis 4.0 Introduction This chapter presents and analyses the empirical findings pertaining...
-
Somaliland waxay wajahaysaa caqabado badan iyo fursado horumarineed si ay u hesho aqoonsi caalami ah iyo xasilooni gobolka. Halkan waxaa k...
-
4.2.1 Examine the Impact of Immigrants on the Economic and Social Development of Burao District, Somaliland To examine the impact of imm...
-
QUESTIONNAIRE/INTERVIEW Title: The Impact of Somaliland’s Non-Recognition on Foreign Investment Opportunities Purpose: This questi...