XEER WASIIR KU SAABSAN BACDA
MIIKADA: FEBRUARY 2005
MINISTERIAL DECREE RELATING TO
PLASTIC BAGS: FEBRUARY 2005
This
Ministerial Decree bans the importation, manufacture and sale of
polyethyiene plastic bags in Somaliland within 120 days of the passing of
the Decree. It is not cler which primary legislation this issuing of this
Decree relies on as Parliament has not passed any law on this issue, but the
Decree Recital mentions Articles 17 and 18 of the Constitution and adds that it
is implementing a decision made by the Council of Ministers on 3rd
February 2005.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha
Markuu
arkay:
Dastuurka JSL, qodobadiisa kala ah 17-aad iyo 18-aad.
Isagoo
fulinaya:
Dhaqan-galka iyo Meel-marinta go’aankii Golaha Xukuumada JSl, Lr. Sh/278 ee
03/02/2005, laguna go’aamiyey mamnuucidda Bacda.
Isagoo ka
duulaya: Natiijooyinka Daraasada
Cilmi-baadhiseed ee la xidhiidha dhibaatada ay Bacdu u geysato kuna hayso
Noolaha dad iyo duunyo, gaar ahaanna dhirta, daaqa, xoolaha, degaanka iyo
caafimaadka guud.
Wuxuu
soo saaray Xeerkan:
Qodobka 1aad
1. Waxaa la
mam-nuucay Bacda Miikada ah soo dejinteeda, ka ganacsigeeda iyo tacab soo
saarkeeda dhinaca Wershadaynta dalka JSL gudihiisa.
2. Bacda la
joojiyey lana mam-nuucay keenistooda waa Bacda ka samaysan “Polyethyiene” ee
loo isticmaalo kiish (Plastic Bags) ee qarada yar, loona yaqaano Miiko ee loo
adeegsado qaad qaadashada, cuntooyinka iy sharaabka siiba Caanaha iwm.
Qodobka
2aad
Bacda
Miikada ah waxay ka mid tahay Badeecadaha soo gelintaankoodu, ka ganacsigoodu,
wershadayntooda iyo isticmaalkoodu ka xaaraantimaysan yihiin gudaha dalka JSL.
Qodobka
3aad
Muddo
(120) Maal-mood ka bacdi laga bilaabo Taariikhda soo saarista xeerkan, markuu
wasiirku saxeexo ee ku xusan qodobka soo socda, waxa xeerkani xaaraantimeeyey
inay Bacda nooceedu yahay Miikada inay ka soo degto kana soo gasho dekedaha,
garoomada, furdadaha iyo rugaha ganacsiga ee ku yaala xuduudaha JSL.
Qodobka
4aad
Xeerkani
wuxuu dhaqan-gal yahay laga bilaabo Taariikhda soo saarista oo ah marka
wasiirku saxeexo.
Nuux Cumar Sh. Muuse
Wasiirka ganacsiga warshadaha
28 February 2005
No comments:
Post a Comment